HomeAll newsWasiir TikTok oo Ka Qeyladhaamiyay Muuqaallada Ka Waramaya Jabka Ciidanka DF.

Wasiir TikTok oo Ka Qeyladhaamiyay Muuqaallada Ka Waramaya Jabka Ciidanka DF.

Wasiirka gaashaandhigga ee DF C/Qaadir Maxamed Nuur (TikTok) ayaa qeyla dhaan xooggan ka muujiyay muuqaallo ka tarjumay xaqiiqooyink dagaalka oo ku dhex baahay ciidamada.

Isagoo koox ciidamo ah kula hadlayay xerada Ballidoogle ayaa waxa uu weerar ku qaaday qaar kamid ah wariyayaasha Soomaalida ee qurbaha ku nool qaarkood, kuwaas oo soo bandhigay xogo ku saabsan khasaaraha DF ku gaaray dagaallada.

Waxaa kale oo uu sheegay iney jiraan dad uu ku tilmaamay kuwa manaxayaal ah oo muuqaallada Al-Kataib ku dhex baahinaya ciidanka si ay uqalqalaan amaba ay shaqada uga tagaan.

Marka wasiirka uu sidaan leeyahay waxa uu kasoo horjeedaa in ciidamadu ay daawadaan muuqaal walba oo ka tarjamaya xaqiiqada ama soo bandhigaya dagaalladii lagu burburiyay xeryaha saaxiibadood iyo kuwa shisheeye sida Masagawaay iyo Buulomareer.

Isagoo wajigiisa ay caro badan ka muuqato ayaa waxa uu ciidamada ugu baaqay iney iska daayaan daawashada muuqaalladaas kana digtoonaadaan isagoo u sheegaan iney hal il oo kaliya wax ku arkaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale cambaareeyay dadka DF katirsan balse dhaliila qaabka ay wax uwado iyo sida ay ciidamadeedu ugu le’anayaan jiidaha hore ee dagaalka, wuxuuna ku tilmaamay iney yihiin dad niyadda ka dilaya dowladda, soona muujinaya wax qabadka XSHM.

Maadaama uu hadalkaan ka jeediyay Ballidoogle ayaa waxa uu u muuqday nin saraakiisha Mareykanka dareensiinayay culeyska warbaahineed ee kasoo wajahaya dhanka XSHM, iyo eedeymaha uga imaanaya siyaasiyiinta aaminsan in dowladdu dayacday ciidamadeeda.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga DF ayaa waxa laga dheehanayay iney culeys xooggan ku hayaam muuqaallada ay baahiso Mu’assasada Al-Kataib gaar ahaan kuwa goobaha dagaalka laga soo duubo, kuwaas oo qaarkood lagu arkayo ciidamada DF oo la eryanayo hubkooda oo la furanayo, maxaabiistooda oo garbaduub loo wado iyo meydadkooda oo laga tallaabsanayo, waxa uuna wariyayaasha isticmaala baraha bulshada uga digay iney soo xigtaan oo ay warkooda xujo uga dhigtaan muuqaallada iyo sawirrada Mu’assasada Al-Kataib.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular