HomeAll newsShil Dhimasho & Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Bari.

Shil Dhimasho & Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Bari.

Gobolka Bari waxaa ka dhacay shil gaadiid oo sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo isaga hor yimid wadada.

Shilka oo ka dhacay meel u dhow degaanka Qayaadsame oo hoostaga degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay 1 qof 8 kale-na waa ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaashu waxay sheegayaan in labada gaari ee isku dhacay ay ahaayeen Bas iyo gaari nooca xamuulka qaada ah oo loo yaqaano Candha-meydle.

Dadka ku dhaawacmay shilka waxay isugu jiraan kuwa xaaladoodu culus tahay iyo qaar dhaawacoodu fudud yahay, waxaana dhammaantood loo qaaday degmada Carmo.

Gobolka Bari ayaa kamid ah gobolada ugu shilalka badan Soomaaliya, waxaa gobo ay meelaha qaar wadooyinkiisu buuro leeyihiin, taasoo ay sii dheertahay gaadiidka oo xawaare aad u sarreeya lagu kaxeeyo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular