Shiinaha ayaa kaalimaha hore ka galay dowladaha ka faa’iideysanaya tallaabadii uu sannadkii lasoo dhaafay Xasan Sheekh madaxweynaha DF ku xaraashay kheyraadka badda Soomaaliya.
Shiinaha ayaa waxay DF ka heshay saxiix cusub oo u oggolaanaya iney badda Soomaaliya sidey doonto uga jillaabato kalluunka noocyadiisa kala duwan taasoo ay ku badalanayso lacag aad u yar sida ay aqoonyahanadu sheegayaan.
Wasiirka Kalluumeysiga DF Axmed Xasan Aadan ayaa xaqiijiyay in ay heshiis cusub la galeen shirkad laga leeyahay dalka shiinaha oo qaabilsan kalluumeysiga si ay badda Soomaaliya uga faa’iideysato.
Wuxuu sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay heshiis la galaan shirkaddan, hase ahaatee heshiiskan uu yahay mid cusub oo ka duwan kuwii ka horreeyay.
“Shirkaddan waxaa loo oggolaaday iney qaadato kalluunka nooca loo yaqaano Tuunaha” sidaasi waxaa ku nuux-nuuxsaday wasiirka.
Wasaaradaha DF ayaa khamiis walba kulankooda ku ansixiya heshiisyo aan xogo badan laga heyn oo ay la galaan shirkado shisheeye, waxaana ugu badan kuwa boobka ku haya kheyraadka Soomaaliya.
Bartamihii sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu Xasan Sheekh meel madal ah ka sheegay in badda Soomaaliya ay ku jiraan in ka badan 1000 markab oo si sharci darro ah u xaalufinaya, uuna dan u arkay inuu shilimaad yar ka qaato maadaama uusan heyn awood uu ku joojiyo boobkooda, laakin dhanka kalana waxa uu marar badan bulshada u sheegaa in shisheeyuhu ay horumar gaarsiinayaan Soomaalida.
Xasan sheekh gurigii loo dhisay in diinta laga weeraro.
Xasan sherkh waxuu degan gurigii loo dhisay in dadka iyo dalka soomaliya Loga dhuuqo looguna sheekeyo Bari baa barwaaqo lagaarin.
Xashan sheekh wuxuu haggaamiyaa kooxdii dalka lagu qabsan lahaa.
Xasan sheekh waxwalbs waa dhiibayaa oo dal , duunyo iyo dadba. Xasan sheekh waa nin diin , Damir iyo dadnimo aan lahayn.
Dalkiina cidna Haku halayn. Dadkiina cidna Haku halayn
Duunyadiina cdowga gudaha iyo dabada ka ilaaliya.