Warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay roobab xoogan oo daadad wata ka da’een qeybo badan oo kamid ah wadanka Shiinaha oo ay ku jirto magaalada Bakiin ama Beyjiin ee caasimadda wadankaas.
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dalka ay ka da’een roobab waaweyn oo aad u xoogan, kuwaasoo sababay in magaalooyin badan oo wadanka kamid ay daadad kusoo rogmadaan, waana roobabkii ugu cuslaa ee dalka ka da’o tan iyo 140 sano muda laga joogo, sida ay tilmaamayaan masuuliyiinta dowladda Shiinaha.
Si ay uga badbaadiso magaalada caasimadda ah ee Bakiin daadadka roobka, waxay dowladda Shiinaha qaaday tallaabo saameyn ku yeelatay magaalooyin kale, taas oo ah in marinadii daadadka ay kusoo socdeen ee soo galayay caasimadda u wareejisay magaalooyin kale oo isla dalka kamid ah, halkaas oo dadkii ku noolaa ay biyuhu qaadeen, qaarkoodana guryahooda ka barakaceen.
Masuuliyiinta gobolka Hebi ee dalka Shiinaha, derisna la ah magaalada caasimadda ah ayaa warbaahinta u sheegay iney fureen albaabada iyo marinada ay maraan daadadka oo biyaha ku shubo illaa todobo deegaan, oo ah deegaanno hooseeya, looguna talogalay in lagu xakameeyo daadadka waaweyn, loogana badbaadiyo magaalooyinka waweyn ee dalka, ee ay indhaha aduunka iyo warbaahintuba kusoo jeedaan.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan daadadka ku dhuftay Shiinaha.