HomeAll newsSawirro:Beesha Murusade oo soo bandhigtay Ciidamo difaaca dhulka ay beeshu Degto.

Sawirro:Beesha Murusade oo soo bandhigtay Ciidamo difaaca dhulka ay beeshu Degto.

Xili dowladda Xasan sheekh ay qorsheyneyso inay wajiga labaad ay ku duushay magaalooyin katirsan Gobalka Galgaduud ayaa beesha Murusade oo kamid ah beelaha dega gobalkaasi waxay yeesheen kulan afar cisho socday oo ay kaga hadleen duulaanka ku wajahan magaalooyinka ay bessha ka degto Galgaduud.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Ceelbuur waxaa kasoo qeybgalay maamulka islaamiga ah ee gobalkaasi.

Odayaasha Beesha Murusade oo uu horkacayo Ugaaska Beesha Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed ayaa wacad ku maray inay difaaci doonaan taako kasta oo kamid ah dhulka ay beeshu degto.

Kulanka kadib ayay beeshu deegaanka Jacar ee hoostaga degmada Ceelbuur ku soo bandhigay ciidamo beesha ah kuwaas oo qayb ka noqonaya ciidamada difaacaya ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Ugaaska beesha iyo nabadoonada oo ka hadlay munaasabada ayaa wacad ku maray inay la dagaalami doonaan cid walba oo ku soo duusho deegaanadooda isla markaasna naf iyo maal ku bixinayaan sidii looga hortegi lahaa Cid kasta oo kusoo duusha shareecada Islaamka.

Hoos ka daawo Sawirrada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular