Wararka ka imaanaya degmada Galhareeri ee wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa ku waramaya in diyaaradaha Maraykanka ay maanta halkaas ka geysteen duqeymo wuxuushnimo ah oo ay la beegsadeen dadka shacabka ah.
Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hellicopterska ayaa duqeeyay qeybo kamid ah degmada Galhareeri, waxaana halkaas ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaarey dad shacab ah.
Hal canug oo da’ ahaan jira 3 sano ayaa ku dhintey weerarka diyaaradaha Maraykanku ka geysteen Galhareeri, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey 8 ruux oo ka kooban dumar iyo caruur oo keliya, iyadoo ay intaa dheertahay waxyeello gaartey guryo ay dad shacab ah leeyihiin.
Sawirro laga soo qaaday dadka dhaawacmey iyo guryaha burburey ayaa ka marqaati kacaya in dadka la beegsaday ay yihiin dad shacab ah, xilli Dowladda federaalka oo sheegatay in iyadu ka dambeyso duqeymahan ku faantey iney burburisay xarumo ay leeyihiin Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa inta badan iyadoo isku dayeysa qarinta fadeexadaha Maraykanka ee la xiriira duqeymaha, waxay dhabarka u ridataa masuuliyadda duqeymaha ay dadka shacabka ah ku waxyeeloobaan ee ay fuliyaan diyaaradaha Maraykanka.