Sadax qarax ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Wabxo ee Gobalka Galgaduud oo saacadihii la soo dhaafay ay gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka ah oo ay galbinayaan Diyaaraha Dagaalka ee Dowladda Maraykanka.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyada waxaana ku dhintay Afar askeri iyadoo ay ku dhaawacmeen Sagaal Askeri oo iyaguna Ciidamada soo Duulay ka tirsan.
Qaraxyada ayaa laga maqlayay Degaanada Magaalada Nawaaxigeeda ah waxaana khasaarahaan Deg degga ku soo gaaray Ciidankaan oo muddo abaabulkiisa lagu howlanaa durba abuuray niyad jab soo gaaray askarta la soo dhoobay magaalo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku hareereysan tahay Dadka Degaankuna la safan yihiin.
Geesta kale Dagaal ayaa Maanta ka dhacay Degaanka Ceel wacanri ee u dhexeeya Ceel Maygaag iyo Galqoryaale waxaana dhanka Galqoryaale u cararay Ciidamo Duulaan ahaa ka yimid dhanka Guriceel iyo DHuuso marreeb.
Ciidamo ka soo jeeda Beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) iyo kuwa ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaalka kala hortegay Ciidamada Dowladda Federaalka ah oo duulaan ahaa taas ayaana keentay in soo duulayaashu ku raadkoodi dib ugu noqdaan.
Geesta kale qarax ayaa galabta lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ku sugnaa Duleedka Degmada Guriceel waxaana la sheegayaa in qaarkood dhaawacyo soo gaareen inkastoo tirade rasmiga ah aanaan helin.
Duulaanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan gur guurte u fadhiyo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa sida Muuqata Ciidamadii fulinayay durba waxaa ku bilowday Geeri iyo dhaawacyo Deg deg ah iyagoo badankood aanay gaarin halkii hadafku ahaa ee ay ku wajahnaayeen waxaana suura gal ah in Ciidamada dhaawacmay qaarkood daryeel xumo u dhintaan.
Beelaha Maxamuud Hiraab. Murasade iyo Waceysle ayaa Dhawaan gaaray Heshiis iskaashi oo sadax geesood ah kaasoo ay ku shaaciyeen in ay iska dhicinayaan Dowladda Federaalka ah oo Degaanadooda ku soo duushay iyo wixii ku saf ah.
Waxa ay sheegeen Dowladda Federaalku waddo Dimuquraadiyad ay hirgelintiisa Shisheeyaha Wakiil uga tahay iyaguna ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka sidaa aawadeed ay Naf iyo Maalba u hurayaan in ay Difaacaan Diinta Islaamka iyo Nabad gelyada ay haystaan.
Radioalfuraan.com