Waxaa degmada Ceelbuur ee gobalka Galguduud lagu soo gabagabeeyay kulan sadex-geesood ah oo ay yeesheen beelaha Murusade, Maxamuud Hiraab iyo Wacaysle ee degan Galguduud kaas oo looga arinsanayay duullaanka ku wajahan deegaanada ay beelahaasi degaan.
Kulanka oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa kasoo qayb galay ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Daahir iyo Ugaaska beesha Maxamuud Hiraab Ugaas Ciise Ugaas Maxamed Carab iyo Suldaanka beesha Wacaysle Suldaan Daa’uud Xasan Aadan.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa tobanaan iskugu jira Nabad doono, Cullumo iyo Waxgarad kasoo kala jeeda beelahaas.
Gabagabadii kulanka waxaa goobta laga akhriayay bayaan ay ku saxiixanyihiin dhammaan mas’uuliyiinta dhaqanka beelaha Murusade, Maxamuud Hiraab iyo Wacaysle ee kasoo qaby galay kulanka.
Beelaha ayaa isku raacay xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka iyo difaacideeda sida lagu sheegay bayaanka iyagoo adkeeyay in si wada jir ah udifaaci doonaan cid kasta oo kusoo duusha deegaanada ay beelahaasi dagaan.
beelaha ayaa cadeeyay deegaanada ay dagaan looga dhaqmo shareecada islaamka amni iyo horumarna ku heystaan iyagoo beelaha Soomaaliyeed uga digay inaysan ku kadsoomin mashruuca uu wato Xasan sheekh.
Halkan ka dhageyso Bayaanka kasoo baxay kulanka
Halkaan ka dhageyso Kalimada Ugaaska Murusade