HomeAll newsMilatariga Al-Shabaab oo Weeraray Fariisimo Askarta Jubbaland.

Milatariga Al-Shabaab oo Weeraray Fariisimo Askarta Jubbaland.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar culus ku qaaday fariisin ay askarta Jubbalanad ku leeyihiin degmada Afmadow.

Xogta waxaa lagu helayaa in dhowr jiho laga weeraray xero ay ku sugnaayeen ciidanka Jubbaland iyadoo magaalada iyo degaanada ku dhow laga maqlayay hubka la isweydaarsanayay.

Ciidanka Jubbaland ayaa godadka iyo difaacyada kasoo qufayay rasaas aan loo meel dayayn halka askarta Al-Shabaab ay beegsanayeen difaacyada iyo dhismayaasha taliska ah.

Sidoo kale waxaa habeenkii xalay weerar lagu qaaday fariisin kale oo ay askarta Jubbaland ka joogaan halka loo yaqaano Baasaa Haruuse ee u dhaw deegaanka Janaa-cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo.

Illaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weeraradan. Milatariga XSHM ayaa har iyo habeen weeraro aan kala go’ lahayn ku haya ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular