HomeAll newsMaxaynu kala soconnaa wujuudka Fagnar ee dalka Suudaan?

Maxaynu kala soconnaa wujuudka Fagnar ee dalka Suudaan?

Dalka Suudaan oo hadda bishii afaraad ka taaganyihiin qulqulatooyin siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye oo dhexmaraya ciidamo jihooyin shisheeye gadaal ka riixayaan ayaa la tilmaamayaa inuu kamid yahay wadamada ay ku suganyihiin ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka socda kooxda Fagnar ee taabacsan dowladda Ruushka.

Sanadihii aynu kasoo gudubnay, waxaa aad usii xoogeysanayay wujuudka Fagnar ee qaaradda Afrika, kooxdan oo heleysa taageerada wasaaradaha gaashandhiga iyo dibadda ee Ruushka ayaa awood u yeelatay iney Afrika ka sameyso taxaalufaad amni oo qarsoon oo ay la saxiixay dhinacyo saameyn iyo awood ku leh wadamada qaar.

Suudaan ayaa kamid ah wadamada ay hadda sida firfircoon uga howlgalaan calooshood u shaqeystayaasha Fagnar, inkastoo shaqada iyo howsha ay qabanayaan tahay mid qarsoon oo aaney warbaahintu badanaa tabin, sababo ku aadan iyadoo aad loo qarinayo arinkaas, waxaana kooxda ay si dhow ula shaqeysaa hogaamiyaha kooxda Ad-dacm As-Sariic ee Muxamad Doqlo Xamiidti, kaasoo dagaal kula jira milliteriga wadanka ee uu hogaamiyo Al-Burhaan.

Wakaaladda wararka ee Blomberg ee laga leeyahay Maraykanka ayaa warbixin ay baahisay waxay ku sheegtay in illaa 10 dal oo katirsan qaaradda Afrika ay ku suganyihiin, wujuudna ku leeyihiin malleeshiyaadka Fagnar, waxaana dalalkaas kamid ah Afrikada dhexe, Liibiya, Koongada Dimuqraadiga, iyo dalka Suudaan oo ay wakaaladdu sheegeyso in kooxda Fagnar ay joogtay tan iyo markii uu xilka hayay Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynihii la afgembiyay ee hadda waqtigiisa ku qaadanay xabsiga.

Halkan ka dhagayso Warbixin wujuudka Fagnar ee Suudaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular