Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraro iyo hawlgallo ka fuliyay Muqdisho, Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.
Gobolka Sh/hoose: Waxay weerar ku qaadeen ciidamada Uganda ee heysta degmada Jannaale, weerarka ayaa si gaar ah u beegsaday xerada ay daggan yihiin shisheeyahaas.
Sidaa si lamid ah waxay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Buundada degaanka Bariire, wuxuuna ahaa weerar in muddo ah socday.
Dadka ku dhaqan degaanada u dhow Bariire ayaa sheegaya iney aad u maqlayeen hubka la isku weydaarsanayay goobta, lama oga khasaaraha ka dhashay labada weerar maadaama xilli habeen ah ay dhaceen.
Bakool: Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar culus ku qaaday saldhigga askarta DF ee degmada Xudur. Sidoo kale waxay weerareen askarta maamulka Koofurgalbeed ee magaalada Baydhabo gudaheeda gaar ahaan fariisinka Makuudo.
Isla gobolka Bay, xalay waxaa ka dhacay weerar toos ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen askarta maamulka Koofurgalbeed ee Xabashida ku wehlinaya degmada Diinsoor.
Intaa waxaa dheer weerar duqeyn ah oo ay ciidamada XSHM shalay ku qaadeen askarta K/galbeed ee fariisinka ku leh degaanka Goofgaduud Buurey oo dhacay duleedka Baydhabo.
Xogta waxaa lagu helayaa in xerada lagu bartilmaameedsaday illaa 15 madfac kuwaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Muqdisho: Waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo ciidamada DF lagula beegsaday xaafadda Buuloxuubey ee degmada Wadajir. Ciidamada ayaa ahaa kuwa goobta lagu beegsaday ku sugnaa.
Ra’iisulwasaaraha DF ayaa dhawaan aad uga cawday weerarada isdaba joogga ah ee ay Xarakada Al-Shabaab ka fuliso magaalada Muqdisho.