HomeAll newsItoobiya Miey Soo Ceshatay Saamigii Lagala Laabtay Ee Dekedda Berbera?.

Itoobiya Miey Soo Ceshatay Saamigii Lagala Laabtay Ee Dekedda Berbera?.

Itoobiya oo xilligan ay ka jiraan colaado sokeeye ayaa waxay la daalaa-dhacaysaa dhaqaale darri baahsan iyadoo Abiy Axmed uu garaacayo albaab walba oo uu ku heli karo hanti iyo deked uu wax kala soo dego.

Magaalada Hargeysa waxaa waxaa tagay wafdi ka socda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirka gaadiidka iyo saadka oo lagu magacaabo Alleymu Simu, kaasoo uu socdaalkiisu daarranaa sidii uu usoo celin lahaa saamigii dekedda Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa horey u sheegay in Itoobiya ay buuxin weysay heshiiskii sadax-geesoodka ahaa ee ay shirkadda DP World kadib markii ay meesha ka baxeen Imaaraatka Carabta.

Wasiirka ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay madaxda ugu sarreysa Somaliland, labada dhinac ayaa yeeshay shirar kala duwan, waxaana xogta rasmiga ah ee la helayo ay sheegeysaa in Xabashida loo oggolaaday iney Dekedda Berbera dhaqaalaha kasoo baxa ka qaataan %19.

Maadaama Itoobiya aaney waxba ku darsan dekedda Berbera islamarkaana aaney wax ku lahayn, waxaa soo laaban karta doodii ay dadka Soomaaliyeed arrintaas ka qabeen, hase ahaatee Itoobiya ayaa la timid xeelad ah in ay Hargeysa siiso Koronto.

Korontadaas ka imaaneysa gudaha Itoobiya ayaa laga dhalinayaa biyo xireenada, waxaana ay meesha ka saari doontaa ganacsatada korontada ee magaalada Hargeysa iyo shaqaalaha Soomaalida ah.

Wafdiga Itoobiya ka yimid ayaa heshiiska kadib la geeyay dekedda magaalada Berbera si ay xaaladda usoo qiimeeyaan. Warbaahinta maxalliga ah qaarkood waxay soo sheegayaan in dhinacyadu ay yeesheen kulamo kale oo lagu kala saxiixday heshiisyo qarsoodi ah.

Itoobiya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii ay u kordhin lahayd dekedaha ay wax kala soo degto. Dhawaan waxay madaxweynaha Jabuuti ka cusbooneysiisteen heshiiskii hore ee ay dakadda wadankaas ku isticmaalayeen, waxaa kale oo jiray heshiis ku aadan iney wax kala degto xeebaha Lamu kaasoo ay la gashay Kenya, halka ay sidoo kale sahansadeen dekedaha Garacad iyo Seylac.

Inkastoo dhawaan ra’iisulwasaaraha Itoobiya sheegay iney baadigoobayaan deked ay xoog ama xeelad ku qaataan, haddana waxaa muuqda iney ciyaarayaan siyaasad iyo xeelad ay dakado uga helaan wadamada gobolka oo ay xataa Eratariya kamid tahay.

Qaababka ay doonayaan mustaqbalka iney xeeb ku qabsadaan waxaa kamid ah hab nabad ilaalin ah. Shir shalay ka dhacay magaalada Adis-ababa oo ay yeesheen siroodnada Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Siishelis iyo DF ayaa waxaa laga soo saaray qodobo lagu muujiyay sidii looga hor tagi lahaa waxay ugu yeereen tallaabooyinka ay XSHM isugu ballaarineyso madiqadda bariga Afrika.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Itoobiya, taliye kuxigeenka sirdoonka dalkaas oo shirka marti geliyay ayaa sheegay in khatarta argagixisada wuxuu ku sheegay looga hor tagi karo iyadoo la sugo ammaanka xeebaha Soomaaliya, warkaas oo ah duur xul ah Itoobiya ku doonayaan xeebaha wadanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular