HomeAll newsItoobiya: Dagaalada Xukuumadda & Amxaarada oo Sii Karaar Qaadanaya.

Itoobiya: Dagaalada Xukuumadda & Amxaarada oo Sii Karaar Qaadanaya.

12 kii saac ee lasoo dhaafay waxaa wadanka Itoobiya ka dhacay dagaallo qaraar oo u dhaxeeya xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmad iyo qowmiyadda Amxaarada.

Dagaalka oo ay dhanka Amxaarada hogaaminayaan mucaaradka lagu magacaabo Fano ayaa ku fiday degaano badan kuwaasoo laga qabsaday ciidamada dowladda.

Sarkaal u hadlay Itoobiya wuxuu sheegay in ay xaqiiq tahay in Amxaaradu soo galeen dhul wax ka yar 150km u jira magaalada Adisababa, balse qorshuhu yahay in laga saaro.

Dagaalyahanada Fano waxay ku goodinayaan iney iska dulqaadayaan ciidanka Abiy oo ay ku tilmaamayaan iney yihiin gumeysi, xaaladda ayaa lasoo sheegayaa iney cakiran tahay iyadoo jiidaha ugu kulul ee la isku hayo ay yihiin Wallo iyo Baxardaar.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular