Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa ku waramaya ku waramaya in xukuumadda dalkaasi ay xoog kula wareegtay hanti ay lahaayeen dad Soomaali ah.
Dowaladda Koonfur Afrika ayaa iyadoo awood adeegsaneysa la wareegtay hantida ay lahaayeen dadka Soomaalida ah oo kamid ah kuwa ugu ganacsiga badan ee dalkaas, waxaana hantida ay dowladdu la wareegtay kamid ah lacag lagu qiyaasay hal milyan.
Falkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay magaalada Balfil, dowladda Koonfur Africa ayaana arrinkaan sabab uga dhigtay, in dadka Soomaalida ah aysan casnhuuraha dhiibin.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay, goobo ganacsi oo ay leeyihiin dadka Soomaalida ah oo ay la wareegeen ciidamada boliska.
Soomaalida ku nool Koonfur Africa ayaa waxay si joogta ah ula kulmaan falal sugu jira dil dhac iyo xadgudubyo kale oo kaga imaanaya burcad Koonfur African ah, waxaana hadda muuqaneysa in dhibaatada ay kusii xoogeysatay, maadaama dowladdii dalkaas ay si xoog ah kula wareegeyso hantida dadka.