HomeAll newsMareykanka oo Rayid Ku Duqeeyay Galhareeri.

Mareykanka oo Rayid Ku Duqeeyay Galhareeri.

Wararka ka imaanaya degmada Galhareeri ee wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa ku waramaya in diyaaradaha Maraykanka ay maanta halkaas ka geysteen duqeymo wuxuushnimo ah oo ay la beegsadeen dadka shacabka ah.

Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hellicopterska ayaa duqeeyay qeybo kamid ah degmada Galhareeri, waxaana halkaas ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaarey dad shacab ah.

Hal canug oo da’ ahaan jira 3 sano ayaa ku dhintey weerarka diyaaradaha Maraykanku ka geysteen Galhareeri, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey 8 ruux oo ka kooban dumar iyo caruur oo keliya, iyadoo ay intaa dheertahay waxyeello gaartey guryo ay dad shacab ah leeyihiin.

Waxaan Idiin Soo Gudbineynaa Mar Dhow Sawirro

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular