HomeAll newsDIRAASAD: Raadinta Caannimada waxay leedahay Xanuuno Nafsi ah.

DIRAASAD: Raadinta Caannimada waxay leedahay Xanuuno Nafsi ah. [Dhagayso]

 

Ereybixinta loogu yeero “ riyada Maraykanka” ayaa inta badan loo adeegsadaa raadinta hantida iyo caannimada, oo ah labo arin oo ay raadiyaan dhalinyarada qaar ee xilligan nool, iyadoo iska dhaadhicinaya in haddii ay helaan labadaas arin ay nolosha ku dareemi doonaan farxad iyo wanaag, laakiin diraasad cusub oo soo baxday ayaa tilmaameysa in xoog saaridda labadaas hadaf ay dhibaato caafimaad ku sababeyso qofka, si ka duwan haddii uu qofku raadinayo xaqiijinta ahdaaf kale oo ay lamid tahay caawinta dadka, inuu hormariyo naftiisa iyo arimo kale, kuwaasoo aan si guud waxyeeleyneyn caafimaadka shakhsiga.

Mustalaha riyada Maraykanka ayaa ah musiibo lagu aafeeyay dhalinyaro badan oo muslimiin ah, kuwaasoo waqti iyo dhaqaaleba ku bixiya sidii ay mar un ku tagi lahaayeen Maraykanka, arinkaas ayayna diraasaddu sheegeysaa in Maraykanku u adeegsado xoojinta dhaqaalihiisa gudaha, maadaama mar weliba oo ay heleen awoodda dhalinyaro aqoon leh ay ka dhigantahay horumar uu sameyanyo dhaqaalaha gudaha.

Diraasaddan ay sameeyeen koox khubaro ah oo ku firirsan caalamka, soona akhriyay kudhawaad 100 diraasadood oo laga sameeyo erey bixintan la xiriirta riyada iyo rajada Maraykanka ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in caafimaad darro waxaan ka ahayn aan laga dhaxleynin ku mamanaanta dhaqaale iyo caannimo, si taas ka duwanna uu qofku caafimaad dareemayo marka uu hiigsanayo ahdaaf jowhari ah, sida caafimaadka, caawinta dadka kale, waxbarashada, horumarka nafeed iyo xitaa daneynta ehelkiisa iyo waalidiintiisa.

Halkan ka dhagayso Warbixin Diraasad sheegtay halista caafimaad ee caannimada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular