Mid kamid ah dhibaatooyinka heysta dowladda federaalka ee niyad jabka ku ah waa kalsooni la’aanta ka heysata shacabka Soomaaliyeed.
Magaalooyinka ay ka baxeen maamulada islaamiga iyo ciidamada Alshabaab waa kuwa haawanaya oo inta badan waxaa ka barakacay dadkii daganaa kuwaasi oo door biday inay ku noolaadaan toolooyinka ka ak dhaw.
Sababta ugu weyn ee dadku uraacaan shabaabka hubeysan ee la dagaalamaya dowladda iyo shisheeyaha ayaa lagu sheegay inay la baqeen naftooda,maalkooda iyo sharaftooda maadaama ciidamada dowladda ay yihiin kuwa horar ah oo lagu yaqaanno dilalka,dhaca hantida iyo kufsiga haweenka.
Degmada Ceel dheer waa mid kamid ah degmooyinka qadiimiga ah ee Galgaduud oo haatan gacanta dowladda ku jirta.
saacadihii lasoo dhaafay Degmada Ceel dheer waxaa gaaray wafdi saraakiil iyo cullimo isugu jira kuwaasi oo ka socday wasaarada gaashaandhiga ee dowladda.
Saraakiisha ayaa kulan isugu yeeray shacabka ku dhaqan Ceel dheer kaasi oo shalay ka dhacay fagaare ku yaalla degmadaasi.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay tiro aad uyar oo kamid ah shacabka sida ay goobta ka sheegeen saraakiil katirsan dowladda oo kulanka soo agaasimay.
“Waxaa ii muuqata inaad dhago cuslaateen saakay ilaa iyo hadda ayaa la idinla hadlayay oo la idiin lahaa muxaadaro ayaa jira imaada, dad yar ayaa yimid“ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha kulanka ka hadlay ee ka tagay Muqdisho.
Sarkaal kale oo kulanka ka hadlay ayaa Cod dheer ku yiri”Reer Ceel dheerow sidaan maanta idinku aragnay waxaan jeclaan lahaa in wax laga badalo oo kulamada laga soo qeybgalo”
“soo baxa haddii la idiin yiraahdo qofna idinkama hari jirin”ayuu hadalkiisa ku daray isagoo ula jeeday in xiligii Alshabaab heysteen degmada Ceeldheer ay shacabku tagi jireen oo ay si weyn ugu qeyb gali jireen kulamo wilaayada ugu yeerto.