Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay weerar nafhurnimo ah oo lagu beegsaday xubno saraakiil ah oo ka tirsan DF.
Warasaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday xubno ku lug lahaa dagaalada waayahan socday.
Waxaa warsaxaafadeedka lagu xaqiijiyay in xubnahaas la beegsanayay ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu talisku ballan qaaday inuu wixii tafaasiil ah dib kasoo gudbin doono.