Gobolka Wajeer oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xoogga ku heysato ayaa waxaa laga soo sheegayaa in degaanada qaar isku socodkoodii uu hakaday sababo la xariira biyo badan oo ka yimid buuraha Itoobiya iyo buundo muhiim u ahayd isku socodka oo la mari waayay.
Buundada oo dhacda meelnu dhow magaalo-madaxda gobolka ayaa waxaa saameeyay biyaha roobka iyo kuwa qulqulaya, iyadoo dadka reer Wajeer sheegayaan in buundadan aysan daryeel iyo dhisme wanaagsan helin tan iyo markii ay Kenya ku habsatay dhulkan Soomaaliyeed sannadkii 1963.
Xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabi Saney oo Wajeer daggan ayaa saxaafadda u sheegay in buundada ay ku dhacday nasiib darro kadib markii dhaqaale badan lagu bixiyay haddana ay mar walba burbureyso, eedaasina wuxuu dusha ka saaray xukuumadda Nairobi.
Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in go’itaanka buundadan uu saameyn daran ku yeeshay bulsahda ku dhaqan degaanada gobolka Wajeer.
Dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysiga ku heysato ayaa waxaa si rasmi ah uga muuqanaya astaamaha xorriyad darrada, waxaana ka jira dib u dhac dhan walba ah, halka dhulka Kenya aad loo hormariyay.