Warar deg deg ah oo kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa warinaya in camaliyad Nafhurnimo ah lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo maraya duleedka degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.
Camaliyadda ayaa ahayd mid aad u culus oo jugteeda deegaanno fog fog laga maqlay, waxaana la beegsaday askarta Dowladda federaalka xilli ay socdaal ku jireen.
Waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Dowladda federaalka, wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.