HomeAll newsDAAWO Al-Shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Saldhig Ku Yaalla Lamu Kadibna Gubay.

DAAWO Al-Shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Saldhig Ku Yaalla Lamu Kadibna Gubay.

Kanaalka wararka ee Al-kataa’ib ayaa maanta oo Khamiis ah baahiyay muuqaal kooban uu kusoo bandhigay weerar aan dhiig ku daadan oo ay ciidamada milatariga Xarakada Al-Shabaab kula wareegeen saldhig ciidan oo ku yaalla Lamu.

Saldhigga oo ay leeyihiin ciidamada Booliska ee dowladda Kenya ayaa ku yaalla gobolka xeebta dhaca ee Lamu kaasoo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ay xoogga ku heysato xukuumadda Kenya.

Sida muuqaalka laga dheehanayo ciidamada Kenya ayaa isaga cararay gabi ahaanba saldhigga oo ku yaalla degaanka lagu magacaabo Wiito, waxaana la arkayaa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dabqabadsiinaya kadib markii ay baaritaankooda dhammeysteen.

Xilligu waa habeen, waxaa la arkayaa askari dhallinyaro ah oo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sidoo kale gubaya gaadiidkii ay ka carareen ciidanka booliska ee dowladda Kenya.

Askariga oo hadlaya ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ay awoodi waayeen iney xal xabad ku ridaan mujaahidiinta, wuxuu ku sifeeyay niman fulayo ah oo hooskooda ka carara.

Weerarka lagula wareegay saldhigga Wiito oo dhawaan dhacay ayaa kamid ah weeraro xiriir ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen Lamu iyo NFD.

Dowladda Kenya ma sheegto khasaaraha baaxadda leh ee ku gaaraya dhulka ay xoogga ku heysato, marka laga reebo eedeymo ay usoo jeediso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo hadallo walaac ah oo ay madaxdeedu ka sheegaan fagaarayaasha, halka xaqiiqada dhacdooyinka iyo xogaha ay si isdabajoog ah usoo bandhigayaan idaacadaha islaamiga ah, iyadoo Kataa’ib Ikhbaariyah ay soo tabineyso muuqaallo xaqiijinaya khasaaraha weerarada.

LINKIYADA HOOSE KA DAAWO

https://www.facebook.com/gobolkalamu/videos/1328281254562203

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular