Ciidamada DF ayaa degaanka Xawaadleh oo u dhow degmada Balcad ku dilay nin beeraley ah kadib markii ay ka waayeen lacago ay ka dalbadeen
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Saleemaan Ibraahim Arwaax ayaa lagu dhuftay dhowr xabbadood sida ay sheegeen eheladiisa oo warfidiyeenka la hadlay.
Ehelada ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay sida ay DF ula dhaqantay meydka askariga kaasoo ay ku tuurtay wabiga. Intaa waxaa dheer oo dhibaato kale noqotay in ciidanka DF laga baryayay saacado iney oggolaadaan in meydka la baadi goobo oo lasoo saaro.