Malleyshiyo hubeysan ayaa 5 caruur ah ku dilay degaan hoos taga Kaxandhaale oo ka tirsan degmada Gallaadi ee gobolka Doollo.
Falkan ayaa dhacay xilli habeen ah kadib markii malleyshiyadu ay weerarka soo qaadeen iyadoo la hurdayo, waxayna beegsadeen caruur yaryar oo dhinac jiiftay dugsi Qur’aan.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in caruurta la dilay uu u weyn yahay wiil 13 jir ah kuwa kalana ay ka yar yihiin, waxaana la xaqiijiyay in ay baxsadeen malleyshiyadii falkan ku kacday.
Arrintan ayaa waxa ay salka ku haysaa aanooyin qabiil iyo dilal horey u dhacay, waxaase xusid mudan in dadka oo dhami cambaareeyeen dilka dadka birimageedada ah oo ay caruurta ugu horreeyaan.
Waalidiinta caruurtan dhalay ayaa waxaa lasoo gudboonaaday murugo iyo walwal, halkii farxadda iyo arooska loo joogayna waxay isku badashay masrax murugo.
Kororka dagaalada qabaa’ilka ayaa ah qorshe siyaasadeed ay caan ku tahay Itoobiya taasoo dooneysa in dadku isku mashquulaan halkii ay ka fakari lahaayeen aayahooda iyo sidii ay gumeysiga uga samata bixi lahaayeen.