Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada booliiska dalka Pakistaan ayaa xabsiga dhigay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Cimraan Khaan, kadib markii maxkamad ku taalla dalkaas ay ku riday xukun xabsi 3 sano ah.
Qareenka Cimraan Khaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ciidamada booliisku ay kala baxeen ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistaan gurigiisa oo ku yaala magaalada Laahoor ee bariga wadanka.
Ka hor inta aan la xirin ayuu Cimraan Khaan baraha Internetka ku baahiyay muuqaal kooban oo uu isagu iska duubay, kaasoo taageeriyaashiisa ugu baaqey iney dhigaan dibadbaxyo waaweyn.
Sida ay sheegeen booliiska, waxaa Cimraan Khaan loo safrin doona magaalada Ruwalbandi ee u dhow caasimadda wadanka, halkaas oo uu ku qaadan doono xukunka xabsiga ah.
Marka laga soo tago 3 sano ee xabsiga lagu xukumey, waxay sidoo kale maxkamadda wadanka Pakistaan Cimraan Khaan ka mamnuucday 5 sano inuu kasoo muuqdo arimaha siyaasadda wadanka.
Cimraan Khaan ayaa baaritaan ay sameeyeen gudi madax banaan waxay kusoo eedayeen inuu musuq maasuq ku kacay intii uu xilka hayay, isagoo la ogaaday inuu qaato hadiyado ka badan 500 oo kun oo doollar.