Ciidanka milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarro iyo hawlgallo ka furliyay degaano ka tirsan Jubbada Hoose iyo gobolka Lamu ee ay Kenya gumeysiga ku heysato.
Haddaan Jubbooyinka ku horreyno waxay ciidamada Mujaahidiintu weerareen saaka aroortii hore bar laga ilaaliyo xerada askarta Jubbaland ee degaanka Baarka.
Degaankan oo hoos taga Kismaayo ayaa waxaa lagu dilay 5 askari halka tiro kale lagu dhaawacay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale warbaahinta ku hadasha afka XSHM ee Andalus ayaa sheegtay in ciidankaas laga soo furtay 5 qori oo AK47 ah.
Dhanka Lamu, faahfaahin dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ciidamada Kenya ku gaaray weerar qorsheysan oo habeen ka hor ka fulay magaalada Kiyunga ee gobalka Laamu.
Waxaa hawlgalkan ciidanka Kenya looga dilay 6 askar oo uu ku jiro taliyaha saldhigga magaalada, halkaasoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7 askari oo kale.