Wilaayada islaamiga ah ee Gedo ayaa gurmad lacag ah waxay gaarsiisay dadkii ay ehelladooda ku dhinteen, kuna dhaawacmeen, sidoo kalena guryahoodana ku burbureen duqeymihii dowladda Kenya ka geystay degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Qoysaska qaar waxaa la siiyay lacag dhan $5000, halka qaarna la siiyay lacag dhan $4000 waxaana wilaayada islaamiga ah hadba ku jaan goyneysay dhibaatada gaartey qoysaska halka ay la egtahay.
Diyaaradaha Dowladda Kenya ayaa dhowrjeer oo hore waxay duqeymo wuxuushnimo oo aan loo meel dayin ka geysteen degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo iyo magaalooyin katirsan Jubbooyinka, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana dadkii dhibaatadu gaartey gurmad wax ku ool ah gaarsiisay.
Halkan ka dhagayso dadka deeqda la gaarsiiyay oo ka mahadceliyay.