
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar kamiin ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ay xoogga ku heysato dowladda Kenya.
Kamiinkaan oo dhacay maalintii shalay oo Talaado aheyd, ayaa waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen kolonyo askar Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Gamba iyo wabiga Taanariifa.
10 Askari oo Keenyaanti ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarkaan kamiinka ah ee ka dhacay dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Kamiinka ayaa waxaa sidoo kale lagu gubay 3 gaari oo kala ah Taaw, Qooqan Caasi, iyo hal Mooto oo qeyb ka ahaa kolonyada weerarka ka kulmay.
Gobalka Lamu iyo dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya ayaa waxay marar badan marti galiyeen weeraro dhiig badan ku daatay, kuwaas oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.