Madaxweynaha Dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxmuud ayaa magaalada Rooma ee caasimadda dalka Talyaaniga waxaa uu kaga qeybgalayaa shir ay isugu yimaadeen dowladaha Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Shirkan ayaa looga hadlayaa arimo la xiriira amniga, waxaana uu Xasan Sheekh Maxmuud xooga saarayaa sidii dowladda Talyaaniga uu uga heli lahaa taageero ku aadan dagaalka ay xukuumadiisu kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama dowladda Talyaaniga ay qadariyaan dowladaha reer galbeedka sababo ku aadan kaniisadda ugu weyn ee Vatikanka oo Rooma ku taalla.
Wafdiga uu hogaaminayo Xasan Sheekh; madaxweynaha Dowladda federaalka ayaa isku dayaya iney kulamo gaar gaar ah la yeeshaan madaxda kasoo qeyb galeysa shirkan ay marti gelisay dowladda Talyaaniga, waxaana muuqata in weli Xasan Sheekh uu taageero u raadinayo howlgalka uu ugu magacdaray wejiga labaad oo u muuqda mid fashilmey, laguna dhawaaqay isagoo aan loo diyaar garoobin.
Booqashadii tan ka horeysay oo uu Xasan Sheekh Maxmuud ku tagay dalka Talyaaniga wuxuu Talyaaniga u sheegay iney xur u yihiin in diintooda ay la imaadaan Soomaaliya, xilli horey ay dowladdu u dayactirtey kaniisadii Talyaanigu ku lahaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.