HomeAll newsWasaaradda Caafimaadka Ee Turkiga oo Warqad Canaan Ah Usoo Dirtay Xasan Sheekh....

Wasaaradda Caafimaadka Ee Turkiga oo Warqad Canaan Ah Usoo Dirtay Xasan Sheekh. (Warbixin)

Dhawaan wasiirka Caafimaadka ee DF ayaa shaaca ka qaaday in uu xil ka qaadis ku sameeyay agaasimihii isbitaalka Digfeer oo ahaa nin u dhashay wadanka Turkiga kadib markii uu  ku eedeeyay inuu sameeyay xadgudub.

Wasiirka oo lagu magacaabo Cali Xaaji ayaa sheegay in agaasimaha Turkiga ah uu diiday inuu la shaqeeyo wasaaradda, kana santaagay heshiis hore oo ahaa in la wada shaqeeyo.

Warkan ayaa ku yiimid su’aalo ay wasiirku weydiiyeen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ka hadlayay dhibaatooyinka ka jira dhanka caafimaadka.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee DF oo lagu magacaabo Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Turkiya ay ka carootay tallaabada uu wasiirku qaaday, arrintaasina ay dhalisay xasaasiyad.

Cali ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahiyo noocyada ay yihiin farriimaha uga yimid wadankaas, hase ahaateen xog aan ka helnay xubno ka tirsan madaxtooyada oo magacooda u qariayay sababo ammaan ayaa noo xaqiijiyay in xafiiska Xasan Sheekh ay kusoo dhacday warqad toos uga timid wasiirka caafimaadka ee Turkiga.

Sida ay xogta sheegeyso waxaa qoraalka lagu canaantay Xasan Sheekh oo lagu yiri “goorma ayaad gaartay heerkan” hase ahaatee wuu uga cudur daartay, wuxuuna usheegay in ay diyaar u yihiin in arrintaas ay raali gelin ka bixiyaan, wixii wadahadal ah-na ay hoos u dhigaan.

Isbitalka Digfeer ayaa lagu dhibaateeyaa dadka bukaanka ah, ehelada iney soo booqdaan waa mid adag, bukaanka xaaladdiisa lalama socon karo, markey rabaan ayay kuu sheegayaan inuu dhintay, sariirtana waxaa habeenkii lagu jiiftaa lacag boqol doolar ah.

Intaa waxaa sii dheer in ay bahdilaan shaqaalaha Soomaalida ah, waxaa la xasuustaa in dhaqtar ka shaqeeya isbitalka uu dharbaaxay gabar kalkaaliso ah oo la yiraahdo Daahiro kadib markii uu ku jabiyay albaabka suuli ay ku jirtay isagoo markaa ka careysan hadal uu dhibsaday oo ahaa inuu dadka bukaanka ah ee xafiiskiisa hor dhooban u shaqeeyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular