HomeAll newsWAR SAXAAFADEED: 73 askari oo DF Looga Dilay Weerar Nafhurnimo Ah oo...

WAR SAXAAFADEED: 73 askari oo DF Looga Dilay Weerar Nafhurnimo Ah oo Muqdisho Ka Dhacay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah saacaddu markey ahayd 8:15 subaxnimo weerar nafhurnimo ah ku qaaday saldhigga ciidamada DF ee caanka ku ah magaca kuliyaddii Jaalle Siyaad.

Goobta ayaa waxaa mar qura laga maqlay qarax aad u weyn, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab lagu faahfaahiyay hordhaca khasaaraha weerarka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xeradu sidoo kale ahayd taliska guud ee ciidamada lugta DF.

“Camaliyadda oo uu fuliyay mujaahid ka tirsan katiibada istish-haadiyiinta ayaa ka dhacday bartamaha xerada xilli ay ciidamada cadawgu ku jireen safaf dhaadheer iyagoo loo carbinayay sidii ay hawlgallo ashahaado la dirirnimo ah uga soo fulin lahaayeen qaybo kamid ah wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaa kadib taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta ayaa Al-Shabaab ayaa waxa uu soo bandhigay inta uu la eg yahay khasaaraha goobta ku gaaray askarta DF.

“Goobta camaliyaddu ka dhacday waxaa ku sugnaa hal urur oo ka tirsan ciidamada ridada (250 askari) kuwaa oo uu mujaahidka istish-haadiga ah – Allaah fadligiis – awood u helay inuu bartilmaameedsado xilli ay hal goob ku urursanaayeen, waxaana halkaas cadawga lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jira” ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay XSHM.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xaqiijiyay in dhimashada ciidamada DF ay gaartay 73 asakri kuwaasoo meydadkooda goobta laga daabulayay muddo saacad ka badan.

“Tirada dhimashada ee illaa hadda la xaqiijiyay waa 73 asakri oo ku halaagsantay camaliyadda iyo dhaawaca 124 kale, waxaana aad u yar ciidamada cadawga ah ee ka badbaaday camaliyadda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Khasaarahan ayaa ka dhigan in askartii xerada joogtay ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen 197, waxaana 250kii askari ee xerada joogay ka badbaaday oo kaliya 53 askari kuwaasoo la sheegayo in 10 kamid ah ay ku jiraan xaalad miir beel ah.

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay inuu dib kasoo gudbinayo wixii kasoo kordha khasaaraha weerarkan maanta ka dhacay kuliyaddii jaalle siyaad oo u dhow wasaaradda gaashaandhigga.

Todobaad ka hor,

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka PPD

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka mp3

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular