Warbixin lagu daabacay website-ka Stratfor ayaa lagu sheegay in warkii dhawaan kasoo baxay hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha Fagnar ee la xiriirey iney xooga saari doonaan Afrika uu horseedi doono in calooshood u shaqeystayaal horleh ay gaaraan Afrika, kuwaasoo kaalin ka qaadan doona sidii talada loogu heyn lahaa hogaamiyaasha keligii taliyaasha ah ee ka arimiya wadamo badan oo kamid ah qaaradda.
Bergowjan ayaa dhawaan muuqaal uusoo dhigay barta uu kuleeyahay Telegramka wuxuu ku sheegay in ciidankiisu ay isku diyaariyaan howlgal ay u aadi doonaan qaaradda Afrika, isagoo intaa ku daray in waxa ka dhacay Ukraine ay yihiin ceeb aaney u baahneyn iney qeyb ka ahaadaan, wuxuuna xilligaas ku sugnaa dalka Bila Ruusiya oo xaliif la ah Ruushka.
Stratfor waxay tilmaameysaa in wixii ka dambeeyey tamarudkii fashilmey ee kooxda Fagnar ay horseeday in calooshood u shaqeytayaal badan oo katirsan kooxda ay kusii qulqulaan qaaradda Afrika, illaa iyo hadana waxay kooxdu si xowli ugu sugantahay dalalka Afrikada dhexe, Maali, Liibiya, SUudaan iyo Burkina Faaso.
Burkina Faso, Maali iyo Afrikada dhexe waxaa hadda laga dareemayaa iney aad ugu soo badanayaan malleeshiyaadka Fagnar, kuwaasoo doonaya in madaxda dalalkaas ay ku taageeraan keligii talisnimada ama iney wax ka bedelaan mudo xileedka ay talada heynayaan, sida ay tilmaameyso warbixinta lagu daabacay website-kan laga leeyahay dalka Maraykanka.
Halkan ka dhagayso Warbixin Qulqulka Fagnar ee qaaradda AFRIKA