Cumareey Xasan oo ah siyaasi kasoo jeeda Sh/hoose iyo siyaasiga Cali Yare ayaa si toos ah ugu eedeeyay DF iney dayacday ciidamadii shalay lagu laayay kuliyaddii Jaalle Siyaad.
Cumareey ayaa ugu horeyn sheegay in askartaas laga soo qaaday magaalada Marko oo ay kala hawlgalayeen ciidanka Uganda, qaaditaankoodana uu shaki badan dhaliyay.
Markii ay kasoo safreen magaalada Marko ayuu sheegay in dhaxda loo galay oo Al-Shabaab ay ka dileen 9 askari kuwa intaa ka badanna laga dhaawacay.
Sidoo kale wuxuu tibaaxay in shalayna lagu gumaaday xeradii lagu tababarayay. Siyaasigan ayaa qiray in ciidamo badan oo ay DF ku biiriyeen lagu laayay Galcad, Masagawaay, Ruunirgood, Balcad iyo qeybo kamid ah Mudug, laakin dhacdadii shalay ay ahayd mid fajaciso ah oo xanuun ku beertay.
Intaa kadib wuxuu ka dhawaajiyay in dhacdadan ay kula xisaabtamayaan Xasan Sheekh, madaxweynaha DF.
Dhankiisana Siyaasiga Cali Cali oo soo noqday gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir ee dhanka ammaanka ayaa sheegay in DF ay ka dambeyso in la laayo ciidamadan maadaama ay dayacday.
Wuxuu aad isku weydiiyay sababta ay ku dhacday in dagaalyahan ka tirsan guutada nafhurayaasha XSHM uu gudaha u galo kuliyadda oo leh 3 albaab oo aad loogu baaro dadka.
Dhacdadii shalay ay ku go’een ciidankii 14 october ayaa waxa uu ku asteeyay mid aargoosi siyaasadeed ah isagoo tuhmay Xasan Sheekh maadaama ciidamadan ay ahaayeen kuwa daacad u ah Farmaajo, lana dhisay xilligiisii.
Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in mas’uuliyiintii shalay u khudbeyn lahaa ciidamada la baajiyay loona sheegay in xaalad ammaan ay jirto lana doonayo iney baaqdaan.
DF ayaa dhexdeeda aad isku eedeysa mar walba oo weerar lala beegsado mas’uuliyiinteeda iyo ciidamadeeda, waxaana jirta oo uu Cali Yare iminka aad uga walaacay in DF ay warbaahinta lacag ku siisay ineysan ka hadal dhacdadan iyo khasaaraha gaaray ciidanka.