HomeAll newsRuushka Oo Sheegay Inuu Fashliyay Weerar Lagu Khaarajin Rabay Gudoomiyaha Jaziiradda Al-Qiram.

Ruushka Oo Sheegay Inuu Fashliyay Weerar Lagu Khaarajin Rabay Gudoomiyaha Jaziiradda Al-Qiram.

Maalintii shalay waaxda amniga ee dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday, iney fashilisay isku day lagu doonayay in lagu khaarajiiyo gudoomiyaha Jaziiradda Al-Qiram ugu magacaaban xukuumadda Moscow ninka lagu magacaabo Sergey Aksyonov.

Ruushku waxa uu isku daygaan ku eedeeyay iney soo maleegtay dowladda Ukraine, balse xukuumadda Kiev ayaanan illaa iyo iminka wax tacliiq ah ka bixin isku daygaan fashilmay ee iyada lagu eedeeyay, iyadoo geesta kale shaacisay iney xureysay 37-KM oo kamid ah dhulka Ukraine muddo isbuuc gudihiis ah.

Bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee Ruushka “Interfax” oo laga soo xigtay Hay’adda Amniga Federalka ee Ruushka magaceedana loosoo gaabiyo (FSB) ayaa lagu sheegay, in la fashiliyay isku day lagu doonayay in lagu khaarajiyo gudoomiyaha Jaziiradda Al-Qiram, kaas oo ay soo maleegeen sirdoonka Ukraine, waxayna intaa ku dartay in arrinkaan loo xiray ruux eedeysane ah.

Ruuxa gacanta lagu dhigay ayaa ah muwaadin Ruushiyaan ah oo dhashay sannadkii 1988-dii, waxaana lagu eedeeyay iney shaqaaleysiiyeen sirdoonka Ukraine, sidoo kale waxaa la sheegayaa, in ruuxaan uu taba barro xagga sirdoonka ah iyo waxyaabaha qarxa uu kasoo qaatay waaxda sirdoonka ee Ukraine.

Hay’adda Amniga Federalka ee Ruushka waxa ay intaa ku dartay, dilkaan oo loo adeegsan rabay qarax uusan fulintiisa ku guuleysan qofkii loo igmaday, sababo ku aaddan iyadoo gacanta lagu dhigay ka hor inta uusan la gaarin halkii uu bartilmaameedku ahaa.

Aksyonov oo ah gudoomiyaha Jaziiradda Al-Qiram ayaa dhankiisa sheegay, in sirdoonka Ruushka uu si firfircooni leh uga shaqeynayo nabad galyada, “Waxaan aaminsanahay inaan gacanta kusoo dhigi doonno dadkii ku lugta lahaa jariimadaan, innagoo ciqaab adag marsiin doonno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, isagoo dhanka kale waaxda amniga ee Ruushka uga mahad celiyay, fashilinta isku dayga dil ee isaga lala damacsanaa.

Ruushka ayaa Jaziiradda Al-Qiram ka qabsaday Ukraine sannadkii 2014-kii, waxaana Mandiqaddaan ku sugan ciidamada badda Madow ee Ruushka, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ruushka ee Ukraine bishii February ee sannadkii 2022-kiina, waxaa halkaan ka dhacay tiro weeraro ah oo lagu dilay qaarkooda lagu dhaawacay masuuliyiin uu Ruushku usoo magacaabay Jaziiradda, weeraradaas oo ay Moscow ku eedeysay xukuumadda Kiev.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular