HomeAll newsRa'iisul Wasaare Xamse Oo ka Xumaaday Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaaad.

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo ka Xumaaday Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaaad.

 

Ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Xamze Cabdi Barre ayaa ka hadlay markii ugu horeysay camaliyadii Nafhurnimada ahaa ee dhawaan ka dhacday xerada kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhamaadeen ciidamo katirsan milliteriga Dowladda federaalka.

Xamse ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkan ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaasoo qalqal adag ka dhex dhaliyay masuuliyiinta iyo saraakiisha Dowladda federaalka.

Wuxuu ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka tacsi u direy ehellada ciidamada lagu laayay howlgalkan nafhurnimada ahaa, isagoona ka gaabsaday inuu sheego tirada rasmiga ah ee ciidamada weerarka lagu dilay iyo kuwa ku dhaawacmey intuba.

Sidoo kale, masoo hadal qaadin ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka waxa xukuumadiisa uga qorsheysan weerarada noocaan ah.

Weerarkii ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa dhaliyay dhimashada inkabadan 70 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka iyo dhaawaca inkabadan 120 askari, waxaana masuuliyadiisa si buuxda u sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkan waxaa soo baxayay kala shakki ballaaran oo soo kala dhexgalay Dowladda federaalka dhexdeed, iyadoo mid weliba uu kan kale ku eedeynayo inuu xiriir la leeyahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular