Weeraro isuga jira kuwa toos ah iyo qaraxyo ayaa ka kala dhacay gobollada Jubbooyinka iyo Banaadir, kuwaasoo lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Haddii aan ku hormarno Jubbooyinka, ciidamo katirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday fariisin ciidanka maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Jannaay Cabdalle ee hoostaga magaalada Kismaayo.
Dagaal in muda ah socday ayaa goobta ka dhacay, waxaana lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidanka maamulka Jubbaland, halka lagu dhaawacay 5 kale.
Dhinac kale, faafaahin ayaa lga helayaa qarax khasaare dhaliyay oo degmada Deyniile ee magaalada caasimadda ah ee Muqddisho lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Qaraxa oo haleeley gaari ay saarnaayeen ciidanka la weeraray ayaa dhaliyay dhaawaca 2 askari.