HomeAll newsMuxuu U Canaantay Xasan Sheekh Saraakiisha Amniga? (Warbixin)

Muxuu U Canaantay Xasan Sheekh Saraakiisha Amniga? (Warbixin)

Kulan xasaasi ah oo looga arrinsanayay weerarkii kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa habeenkii xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaasoo dhex maray Xasan Sheekh iyo saraakiisha ammaanka.

Kulanka ayaa qabsoomay kadib markii uu Xasan kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa wadanka Talyaaniga kaasoo uu kusoo bandhigayay Xaraash ku aadan kheyraadka Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo waxaa kulanka kasoo qeyb galay noocyada kala duwan ee saraakiisha ciidanka kadib markii loo yeeray. Markii ay saraakiishu galayeen madaxtooyada waxaa la marsiiyay baaritaan qaatay wax saacad ka badan si loo hubiyo iney wataan hub iyo walxo qarxa.

Khudbad dheer oo uu qaatay Xasan Sheekh ayaa diiradda saartay weerarkii kuliyadda Jaalle Siyaad, Xasan wuxuu si kulul u canaantay saraakiisha gaar ahaan qeybaha qaabilsan Kuliyadda Jaalle Siyaad oo uu ku tilmaamay niman mas’uuliyadoodii gabay.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay doodo ay qaarkood isku difaacayeen oo ku aadan in sirdoonka dowladda aysan gudanayn hawlaha horyaalla islamarkaana aaney awood u lahayn iney ka hor tagaan weerarada noocan ah ee ay XSHM maaggan yihiin.

Warbaahinta DF ayaa sheegtay in Xasan uu saraakiisha faray iney baaritaan ku sameeyaan sidii ay wax u dhaceen, kadibna jawaab kusoo celiyaan.

Waxyaabaha uu goobta ka sheegay waxaa kamid ah inuu yiri “Al-Shabaab lama dagaalami karno inta ay Muqdisho weeraro noocan ah ka dhacayaan” goobta ayaana lagu kala dareeray.

Hogaamiyaha 70 jirka ah ee DF ayaa wajahaya eedeymo uga imaanaya xildhibaano iyo siyaasiyiin kuwaasoo sheegaya inuu dayacay ciidankii lagu laayay kuliyadda Jaalle Siyaad islamarkaana uu u loogay XSHM.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii taliska ciidamada XSHM uu warsaxaafadeed ku xaqiijiyay in ay goobta ku dhinteen 73 askari tiro kale oo badann ay kud haawacmeen, waxaa maanta nasoo gaartay xog sheegeysa in 5 askari oo kale ay dhaawac u geeriyoodeed.

Xildhibaanada qaar ayaa horey u shaaciyay iney jiraan askar dhaawacooda wax looga qaban waayay gudaha una baahan in dibadda loo qaado, balse ma jiraan illaa iyo hadda wax la qaaday oo caafimaad bannaanka ah loo diray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular