Weli xaalad cakiran ayaa ka taagan dalka Niger oo dhawaan marti geliyay afgembi milliteri oo talada looga tuurey Muxamad Baazuum madaxweynihii dalkaas maamulayay, dowladaha galbeedka Afrika iyo qaar kamid ah kuwa reer galbeedka ayaana wada isku dayo ay ku doonayaan iney ku cadaadiyaan milliteriga, si talada iyo maamulka dib loogu soo celiyo Muxamad Baazuum.
Waxaa magaalada Niyaami ee caasimadda Niger gaaray madaxweynayaal ka socda dowladaha galbeedka Afrika, kuwaasoo la kulmay saraakiisha milliteriga iyo madaxweynaha la afgembiyay, iyagoo isku dayay iney dhex-dhexaadin ka dhex billaabeen dhinacyada, milliterigana lagu qanciyo inuu talada wareejiyo, Muxamad Baazuumna kursiga madaxtinimada uu markale ku fadhiisto.
Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Jaad ninka lagu magacaabo Muxamad Idris Debi ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Niyaami ee caasimadda Niger, wuxuuna halkaas kula kulmey madaxweynaha xilka laga casiley Muxamad Baazuum oo markii ugu horeysay soo muuqday tan iyo markii afgembiga lagu sameeyay, iyo madaxa golaha milliteriga talada dalka la wareegay jeneraal Cabdi-raxmaan Niyaami iyo madaxweynihii hore ee dalkaas Muxamad Isofo.
Halkan ka dhagayso Warbixin Isbedellada xaaladda dalka NIGER