HomeAll newsMas'uul Kenyaan Ah oo Walaac Ka Muujiyay Kororka Weerarada Al-Shabaab.

Mas’uul Kenyaan Ah oo Walaac Ka Muujiyay Kororka Weerarada Al-Shabaab.

Waxaa aad u kordhaya walaaca ay dowladda Kenya ka qabto kororka weerarada ay gudaha dalkaasi ka geysanayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas Eugene Wamalwa ayaa dowladda ku dhaliilay iney ku fashilantay qorshe ay kol hore sheegtay oo ahaa iney fureyso xuduud beenaadyada Soomaaliya iyo Kenya.

Isagoo khudbad ka jeedinayay goob lagu aasayay sarkaal Kenyaan ah oo ay dhawaan weerar ku dileen milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa uu muujiyay iney khalad ahayd shaacinta qorshahaas, maxaa yeelay buu yiri “waxaa aad u kordhay weerarada ay geysanayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab”

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa hadallo kuwan lamid ah ka jeediyay goobta oo lagu aasayay David Micha oo ka mid ahaa saraakiisha duullaanka qaabilsan ee Kenya oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka xeebta dhaca ee Muslimiinta ee Lamu.

Dowladda Kenya ayaa kusoo duushay Soomaaliya gaar ahaan wilaayaatka islaamiga sannadkii 2011, wixii xilligaasi ka dambeeyayna waxay lumisay ammaankeedii iyo horumarkeedii dalxiiska kadib markii ay wadankaasi gudaha u galeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular