Maqaal lagu daabacay wakaaladda wararaka ee Shahaada ee ka faalloota arimaha dalalka bariga Afrika, uuna qorey qoraa lagu magacaabo Daa’uud Miiri ayaa waxaa ciwaan looga dhigay Soomaaliya ma waxay soo celin doontaa wixii ka dhacay Afqaanistaan, waxaana looga hadlay sida loo filan karo in xilli dhow Soomaaliya ay ka dhacaan wax lamid ah wixii ka dhacay Afqaanistaan markii 20 sano kadib dalkaas ay isaga baxeen ciidamada huwanta ee uu hogaaminayay Maraykanka.
“ weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ka fulisay Soomaaliya, kuna dishey 57 askari oo katirsan ciidamada Uganda oo ku sugnaa saldhig milliteri oo ku yaala magaalada Buulo-mareer, wuxuu madaxweyne Yuweri Museveni quus ka muujiyay sida uu Maraykanku ugu fashilmey in Drones uu ku caawiyo ciidamada Uganda. Marka jaanibka milliteri laga hadlana waxay diyaarada Drones-ta kamid yihiin wasiilooyinka lagu xoojiyo awoodda ciidan, laakiin sanadihii tagay waxa sugeen in Drone aan waxba looga qaban karin koox lamid ah Al-Shabaab” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka Daa’uud Miiri.
Caqiidada iyo Idology-yada Xarakada Al-Shabaab ayaana u aaba yeeleynin diyaaradaha Drones-ta iyo tirada ciidamada looga dilo fagaaraha dagaalka ama xitaa geerida hogaamiyaashooda, mashruuceeda Jihaadiga ayaana lahayn taariikh la filan karo inuu kusoo afjarmo, naska islaamiga ah ayaana tilmaamaya in dagaalkan uu soconayo illaa Qiyaamaha, ayuu tilmaamaya maqaalka ciwaanka looga dhigay Soomaaliya ma waxay dib usoo celin doontaa wixii ka dhacay Afqaanistaan ee lagu daabacay wakaaladda wararka ee Shahaada.
Halkan ka dhagayso MAQAAL: meel ma jirto in Soomaaliya ay ka dhacaan wixii ka dhacay Afganistaan.