Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maanta qarax culus lagula beegsaday masuul sare oo katirsan maamulka Hir Shabeelle.
Qaraxa ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday madixii canshuuraha ee gobolka Shabeellaha Dhexe u qaabilsan maamulka Hir Shabeelle ninka lagu magacaabo Daahir Maxamed Kaanti.
Sarkaalka la beegsaday ayaa la xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay, halka ay sidoo kale dhaawacmeen ugu yaraan7 askari oo kamid ah ilaaladiisa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalkan katirsanaa maamulka Hir Shabeelle.