HomeAll newsJubbaland oo Sheegtay In Ay Al-Shabaab U Gacan Galayaan Haddii Ay Atmis...

Jubbaland oo Sheegtay In Ay Al-Shabaab U Gacan Galayaan Haddii Ay Atmis Baxdo.

 

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo ku sugan saldhigii ATMIS ee Gerilley.

Iyadoo maalmo xiriir ah deegaanka Gerilley ee gobolka Gedo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kadib ka bixitaankii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha ATMIS ayaa waxaa arintan walaac adag ka muujiyay qaar kamid ah Xilibaannada Dowladda federaalka.

Xillibaan Mursal M Khaliif oo kamid ay gudiga difaaca ee baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Al-Shabaab ay la wareegaan deegaanka Gerilley ee ay ka baxeen ciidamada ATMIS.

Wuxuu u sababeeyay in ciidamada maamulka Jubbaland lagala wareego deegaanka Gerilley iyadoo aaney wax gurmad ah siinin waxa loogu yeero beesha caalamka ciidanka Soomaalida.

Xillibaan Mursal wuxuu sheegay inaaney shakki ku jirin in Al-Shabaab ay lasii wareegi doonaan saldhigyo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya gaar ahaan deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in deegaanka Gerilley ay la wareegeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Kenya.

Wuxuu wasiirku sheegay in deegaannada gobolka Gedo ee ay ciidamada Itoobiya joogaan oo tiradoodu gaareyso 6 deegaan ay Al-Shabaab si fudud kula wareegayaan haddii ay ka baxaan ciidamada Xabashida ee jooga.

Ma ahan oo keliya Xilibaannada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dadka aaminsan in Xarakada Mujahaidiinta Al-Shabaab ay si sahlan kula wareegeyso deegaannada ay banneeyaan ciidamada Shisheeyaha ATMIS, waxaana walaacaas qaba hay’adaha baaritaannada iyo diraasaatka sameeya iyo qolyaha arimaha Soomaaliya ka faallooda ee Shisheeyaha taabacsan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular