HomeAll newsKulan Ay Yeesheen Xillibaannada maamulka Puntland Oo Buuq kusoo Dhamaaday.

Kulan Ay Yeesheen Xillibaannada maamulka Puntland Oo Buuq kusoo Dhamaaday.

 

Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xillibaannada maamulkaas, kuwaasoo ka doodayay arimo la xiriira deegaanka.

Balse xilibaanno katirsan golaha wakiillada ee maamulka Puntland ayaa soo jeediyay in qorshaha laga doodayo loo bedelo amniga magaalada Garoowe, waxaana warbaahintu tilmaamayaan in xillibaannada arinkaas soo jeediyay ay isku dhowyihiin madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni.

Xillibaannadan ayaa ku dooday iney doonayaan in fadhiyada baarlamaanka Puntland laga wareejiyo magaalada Garoowe, loona raro magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Arintan ayaa ah damac uu leeyahay Siciid Deni wuxuuna ku doonayaa in marka uu saldhigto Qardho uu meel mariyo isku daygiisa la xiriiro mudo kororsiga, waana arin ay diidanyihiin siyaasiyiin badan oo katirsan maamulka Puntland.

Isku dayga xillibaannada taabacsan Siciid Deni ay ku doonayeen in ajandaha dooda ay ku bedelaan ayaa waxaa dood adag kala horyimid xilibaanno kale oo mucaaradsan madaxweynaha maamulka Puntland, taasina waxay keentay in kulanka uu buuq iyo fowdo kusoo dhamaado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular