HomeAll newsHaweeeney Muuqaal Anshax Darro Ah Iska Duubtay Oo Lagu Dilay Caabudwaaq.

Haweeeney Muuqaal Anshax Darro Ah Iska Duubtay Oo Lagu Dilay Caabudwaaq.

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in la dilay haweeney muuqaal aan wanaagsanayn kusoo baahisay baraha Internetka.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nimco Jamaal Axmed islamarkaana ahayd hooyo caruur heysata ayaa khadka dhigtay muuqaal aan habbooneyn.

Arrintan ayaa waxay ceeb iyo fadeexad ku keentay qoyskeedii, gaar ahaan walaalaheed kuwaasoo maqaayadii iyo goobtii ay tagaan lagu far-fiiqayo iyadoo lagu sheegayo iney la dhasheen haweeneyda muuqaalka soo baahisay.

Sida uu sheegayo gabadha abtigeed oo lagu magacaabo Sheekh Ibraahim, sadax qofood oo qoyska ka tirsan ayaa gaari ku qaatay, kadib waxay geeyeen magaalada duleedkeeda halkaasoo ay si daran ugu jir dileen iyagoo ka careysan ceebta iyo fadeexadda ay usoo jiiday.

Ugu dambeyntii Nimco ayaa u geeriyootay dhaawacyadii kasoo gaaray jirdilka loo geystay, waxaana xabsiga loo taxaabay sadaxdii qof ee ay isku qoyska ahaayeen.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa soo badanaya waayahan dambe, laba todobaad ka hor ayay ahayd markii wiil Jabuutiyaan ah uu si xun wajiga uga garaacay gabar walaashiis ah oo iyadoo aan si wanaagsan u asturnayn iska soo duubtay muuqaal kadibna ku baahisay Tiktok.

Internetka ayaa Soomaaliya ku haya dhibaatooyin aan ka jirin wadamada kale ee caalamka, waxaa lagu soo fasaxay wax walba oo keeni kara in ay bulshadu fasaado, arrintan oo u muuqata mid looga golleeyahay in bulshada lagu dhaqan doorriyo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular