Tafaasiil dheeraad ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab xalay ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqsisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya xaafadda Tiida ee degmada Dayniile ayaa sheegay in weerar cagmarin ah lagu qaaday laba bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska ee sida Meleteriga utababaran kuwaas oo dhowaan lagu wareejiyay amniga caasimadda Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 askari ayaa lagu dilay weerarkaan halka 3 kale lagu dhaawacay, iyadoo ciidamada Mujaahidiinta ay usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaam xaafadda Tiida iyo barihii ay weerareen.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili shalay Naftii hure ka tirsan Al-Shabaab uu weerar culus la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan DF, waxaana camaliyadaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 30 sarkaal oo darajoohin kala duwan ka hayay dowladda Xasan Sh. Maxamuud.