HomeAll newsFAAHFAAHIN: Cali Jayte & HIrshabelle oo Isbaaro Ku Dagaalamay.

FAAHFAAHIN: Cali Jayte & HIrshabelle oo Isbaaro Ku Dagaalamay.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabelle ayaa ku diriray isbaaro cusub oo lasoo dhigay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Iska hor-imaadkan oo dhacay maalinkii shalay ayaa waxaa laga helayaa faahfaahin ku aadan cidda sababta u ahayd isbaarada cusub ee dagaalka dhalisay.

Saraakiisha maamulka Hirshabelle ayaa Cali Jeyete ku eedeynayaa inuu Isbaaro cusub soo dhigay xaafadda Hawlwadaag ee degmada Baladweyne.

Ciidamo ka socda maamulka Hirshabelle iyo kuwa Cali Jeyte ayaa fooda isdaray, walow aan lasoo tabin khasaare dhimasho marka laga reebo askar labada dhinac ka dhaawacantay.

Saraakiisha taabacsan Cali Jeyte ayaa sheegaya in ay xadgudub kala kulmeen Hirshabelle iyagoo ku eedeeyay iney dhac iyo boob ka wadaan magaalada Baladweyne.

Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku wada sugan laba maamul oo kala ah Hirshabelle iyo maamul uu isugu caano shubay Cali Jeyte, waxaana ay dadweynuhu ka baqayaan had iyo jeer in lagu dul dagaalamo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular