Dowladda Kenya oo adeegsanayso diyaaradaha gantaaluhu ku rakiban yihiin ayaa xalay duqeysay degaanka Ceelcadde ee wilaayada Gedo, halkaasoo ay ku dishay 2 qof oo shacab ah oo uu midkood ahaa oday 80 jir ah.
Odayga ayaa la oran jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi, sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray qaar kamid ah caruurtiisa oo goob joog ahaa.
Nin kale oo duqeynta ku nafwaayay ayaa kamid ahaa muruqmaalka magaalada kaasoo isigoo gurigiisa ka soo baxay ay madaafiicdu ku habsadeen.
Dadka ku dhaqan magaalada waxay sheegeen in diyaaradaha Kenya ay soo rideen 4 gantaal xilli dadku hurdayeen oo saqdhexe ah, waxaana ay sidoo kale sababeen burbur hantiyeed iyo argagax.
Kenya ayaa todobaayadii lasoo dhaafay duqeymo ka geysanaysay gobolada xuduud beenaadka la leh ee Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana meelaha ay duqeysan kamid ah magaalooyinka Saakow, Salagle iyo Jilib.
Halkaan ka dhegeyso Warbixin duqeyn kenya geysatay
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA