HomeAll newsDhegeyso Duqeyntii Madaxtooyada oo dhimasho sababtay iyo Itoobiyaan la weeraray.

Dhegeyso Duqeyntii Madaxtooyada oo dhimasho sababtay iyo Itoobiyaan la weeraray.

Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada.

ugu yaraan laba askeri oo ka tirsnaaa Ilaalada Madaxtooyada Muqdisho ayaa ku ku dhintay duqeyn Shalay aroortii lala beegsaday Aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho kaasoo ay degan yihiin Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax  kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Madfac kale ayaa la xaqiiyay in uu ku dhacay Gaari ka mid ah kuwa aan xabadaha caadiga ah karin waxaana xogtu sheegeysaa in uu gubtay.

Geesta kale Xalay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar ku qaadeen Fariisin Ciidanka Dowladda Federaalku ku leeyihiin Degaanka Towfiiq ee Gudaha Muqdisho.

Dhinaca kale Xalay Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxay weerareen Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Magaaalada waajid eeGobalka Bakool.

in mudda ah ayuu halkaa dagaalku ka socday faah faahin dheeraadana kama anaan helin wixii khasaare ah ee Itoobiyaanka la gaarsiiyay.

Isla xalay waxaa weerar la kulmay Ciidamada Ugandha ee jooga qoryooley oo shabeelaha hoose ka tirsan iyo Ciidamo ka tirsan federaalka oo ku saf ah iyadoo sidoo kalena la weeraray saldhigyo Ciidan oo ku kala yaalla Janaale oo Shabeelaha hoose ka tirsan iyo Goof gaduud Buureey oo Baay ka tirsan.

FHalkaan ka dhegeyso faah faahin weeraradii ugu dambeeyay 05 07 2023

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular