
Maamulka islaamiga ah ee gobalka Hiiraan ayaa ku guuleystay inuu heshiis kala dhex dhigtay Labo Juffo oo katirsan beesha Gaal jecel kuwaasi oo isku heystay dhul ku yaalla duleedka degmada Jalalqsi.
Kulan ka dhacay Show oo Hiiraan katirsan ayaa waxaa kasoo qeybgalay jufooyin kala Caloofi iyo Xaaji Saalax oo ka wada tirsan beesha Gaaljecel.
Kulanka oo wilaayada ay goob joog ka aheyd ayaa laga soo saaray Bayaan uu ku cad yahay qodobada lagu heshiiyay iyo saxiixayaasha ka socday jufooyinka la heshiisiiyay.
Odayaasha iyo waxgaradka jufooyinka oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska iyagoo balan qaaday inay qodobada heshiiska ku xusan dhaqan galinayaan.
Halkan ka dhageyso codka odayaasha.