
Sanad kahor markii uu Xasan Sheekh Maxmuud madaxweynaha Dowladda federaalka ah ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa fagaarayaasha dagaalkaas uu ka socdo kamid ahaa dhanka warbaahinta.
Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay in dagaalkiisa ka dhanka ah Al-Shabaab uu leeyahay saddex weji, mid kamid ah wejiyadaasna uu yahay dagaalka fikriga kaasoo ka dhigan dagaalka warbaahinta.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay qaaday weerar celin xaga warbaahinta ah, iyadoona khubarada ka faallooda arimaha Warfaafinta iyo xitaa madaxda Dowladda federaalka iyo xarumaha diraasaatka ay ka marqaati kaceen in Al-Shabaab ay kaga awood roonaatay dowladda federaalka dagaalka warbaahinta.
Mu’assasada Al-Kataa’ib oo ah garabka warfaafineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa hogaamineysay dagaalka warbaahinta ah ee Al-Shabaab la gashey dowladda federaalka iyo Shisheeyaha, waxaana si adag u howlgalay channelka wararka ee Al-Kataa’ib, iyadoo mu’assasadana ay baahineysay ducumentryo miizaan culus leh oo ka tarjumaya xaqiiqda dagaalka iyo waxa la isku hayo.