Ciidamada Uganda ee heysta degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenkii xalay madaafiic ku garaacay tuulo hoos tagta degmada Kurtunwaarey halkaasoo ay qof ku dileen kuna dhaawaceen 3 kale oo rayid ah.
Tuulada oo lagu magacaabo Iidow Guudow ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac oo nooca PM ah ama ay Soomaalidu u taqaano (fooryaaye) waxaana markii hore ku dhaawacmay 4 qof, hase ahaayeen gabar uu dhaawaceedu garaab ahaa ayaa saqbarkii xalay la xaqiijiyay iney naf baxday.
Ehelada dadka dhibaatadu gaartay ayaa aad u cambaareeyay ciidanka Uganda kuwaasoo muddo dheer duqeyn ku wada tuulooyinka hoos taga degmooyinka Qoryooley, Buulomareer, Baraawe iyo Jannaale.
Muddo bil laga joogo, waxay ciidanka Uganda ee heysta Baraawe duqeeyeen tuulo aad ugu dhow magaalada halkaasoo ay ku dileen 6 caruur ah oo xilli fiid ah ku hor cayaarayay xaafadda.
Hey’adaha xuquuqda aadanaha sheegta kama hadlaan gumaadka ay ciidamada shisheeye ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale DF ayaa ku faanta duqeymaha noocan ah iyadoo ku tilmaanta kuwa guuleystay oo ay fuliyeen saaxiibadood, laguna dilay xubno ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.